Madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Beesha Caalamka oo shir ku leh Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo soo gaaray Muqdisho ayaa shir kula leh qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradda Wakiilada Beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Safiirka Mareykanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Saddexdan Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galla shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaddib markii maanta Baydhabo ku yeesheen shir wadatashi saacad qaatay.

Warar horay u soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay wado qorsho ay ku shirineyso Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada si go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka.