Madasha Xisbiyada Qaran oo war ka soo saaray kulanka Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqday madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowlad goboleedyada si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020 looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Halkan hoose ka akhriso

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email