Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweysay qodobadii ka soo baxay shirkii arrimaha doorashooyinka

Madasha xisbiyada qaran ayaa soo dhoweysay qodobadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu qaadaadhigay doorashooyinka la filaayo inay dalka ka qabsoomaan.

War saxaafadeed ay soo saareen madasha xisbiyada qaran ayaa lagu shaaciyay in madashu ay soo dhoweyneyso heshiiska laga gaaray qaabka ay u dhacayso doorashada dalka iyagoona ku baaqay in laga qeybgaliyo saamileyda siyaasada dalka guddiyada doorashooyinka.

Waxay inta ku dareen in la sameeyo guddiga xalinta khilaafaadka isla markaana kormeerayaal caalami ah ay goobjoog ka noqdaan xubnaha ku metelaya gobolada waqooyi ee dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email