Madaafiic xalay lagu garaacay inta badan degmooyinka Muqdisho

Inta badan degmooyinka gobolka Banaadir xalay waxaa lagu garaacay hoobiyeyaal mudo daqiiqado gudahood ah, kuwaas oo aan la garaneyn meel laga soo riday.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay meelo ka mid ah degmooyinka Xamar jajab, Waaberi, Boondheere, Warta nabadda iyo Shan gaani, oo ka wada tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter kiisa ku yiri  “11/Sep/2020, abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad, Iyagoo Baaruud dheemish ah oo ay Bacyo kusoo qariyeen dhigay Xaafado Magaalada Muqdisho ka tirsan, Kuwaas oo lahaa dhawaaqa Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare dhimasho ama dhaawac ah.”

Sidoo kale afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri, “Abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad dheemish ah, oo leh dhawaq Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare ah.”

Sawirro laga soo qaaday qaar ka mid ah goobihii ay ku dhaceen madaafiicdaas ayaa muujinaya burbur aan badneyn, in kastoo aan weli la ogeyn hadii uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email