Labo Saxafi u dhashay Australia oo laga musaafuriyay wadanka Shiinaha

Labo Saxafi u dhashay Australia oo laga musaafuriyay wadanka Shiinaha.

Labo wariye oo u dhashay wadanka Australia ayaa laga musaafuriyay wadanka Shiinaha kadib eedeemo loosoo jeediyay.

Wariyaasha ayaa maalintii shalay ahayd laga soo dajiyay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Masuuliyiinta Shiinaha ayaa wariyaasha su’aalo waydiiyay kahor inta aysan musaafurin.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Australia ayaa sheegtay in taageero xoogan ay u muujiyeen wariyaashan laga soo musaafuriyay wadanka Shiinaha.

Xiriirka u dhaxeeyo Shiinaha iyo Australia ayaana sii xumaanayay sanadihii ugu danbeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email