Khayre “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kula yeeshay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Kheyre ayaa sheegay inuu kulan miro dhal ah la qaatay Qoorqoor ayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo kaalinta Galmudug.

Isagoona sheegay inuu madaxweyne Qoorqoor kala hadlay xaaladda Galmudug iyo wixii u qabsoomay.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed  Cabdi Kaariye. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ugu dambeeyntii Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay inuu musharax madaxweyne ee doorashada la filayo inay dalka dhacdo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email