Jubbaland oo ka War bixisay Arrinta Gobolka Gedo oo ee isku hayaan Doowladda dhexe

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Maanta oo kahmiis ah shir gudoominay kulanka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa looga dooday arrimaha siyaasadda, Waxbarashada,Amniga Arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Madaxwyene kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Golaha Wasiirada Jubbaland Warbixin ka siiyay wada hadallada Madaxweynaha Jubbaland uu u joogo Muqdisho iyo arrinta gobolka Gedo oo ay ka wada hadleen Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Dhanka kalane kulankan todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay Hanti dhowraha Jubbaland iyo Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email