Jilaaga ugu mushaarka badan adduunka oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus

Dwayne “The Rock” Johnson ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa uu dhammaantood ku dhacay xanuunka Covid-19.

Johnson oo ahaa feeryahan hore, haatanse ah jilaaga ugu mushaarka badan adduunka ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa iyo labadooda gabdhood uu ku dhacay xanuunka, inkastoo ay ka feejignaayeen.

Wuxuu sheegay in natiijada baaritaankooda ay aad u xanuunjisay. Balse ay haatan ka soo reynayaan.

Johnson, oo 48 jir ah, ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa Lauren, oo 35 jir ah, iyo gabdhahooda Jasmine iyo Tiana, oo afar jir iyo labo jir kala ah, ay fayraska qaadeen labo iyo bar toddobaad kahor.

Waxay ka qaadeen saaxiibbo aad ugu dhowaa qoyskooda, kuwaas oo aan ka war qabin sida ay fayraska u qaadeen.

“In lagaa helo Covid-19 aad bay uga duwan tahay inaad ka soo kabato dhaawacyo culus, ama in guri lagaa saaro amaba aad lacag la`aan noqoto, xaaladahaas oo dhowr jeer isoo maray,” ayuu yiri.

“Muhiimaddeyda koowaad waa inaan had iyo jeer ilaaliyo qoyskeyga.”

“Waan ku wareeraa markaan arko dadka qaar, oo ay siyaasiyiinta ku jiraan, oo in maaskarada la xirto ka dhigaya qeyb ka mid ah ajande siyaasadeed.

“Wax xiriir ah lama laha siyaasadda. Xiro maaskaradaada. Waa xaqiiq. Waana waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo.”

Dwayne Johnson ayaa raacay aabbihiis Rocky isagoo noqday feeryahan.

Guulo waaweyn ayuu ka soo hooyay tartanka feerka, kahor inta uusan u weecan dhanka jilitaanka, wuxuu wax ka jilay filimada kala ah The Scorpion King, Fast & Furious 6 iyo Jumanji franchise.

Wuxuu sanadkan qaatay mushaar dhan $87.5m (£67m).

Isha: bbcsomali

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email