Jaaliyada Soomaaliyeed ee Mareykanka oo u hambalyeey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

In Minnesota, Somali community fears Trump travel ban, aid cuts will worsen  plight of those at home - ABC News

Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qaarkamid ah jaaliyada Soomaliyeed ee Mareykanka oo lahadlay Warbaahinta qaranka ayaa ka codsadeen dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha cusub, caawimaad buuxdana sii yaan sidii waajibaadka qaran uu u gudan lahaa.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka waxa ay u rajeeyeen ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseyn Rooble in xilkaasi uu u guto si Soomaalinimo ah oo ay ku dheehan tahay daacadnimo,sida ay ugu warameen Warbaahinta qaranka

Arintan ayaa ku soo aadeysa xil xaly loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo u hambalyeyn tiisa ay isi soo taraysay taniyo markii xalay loo magacaabay xilka.