Ciidamda dowladda Soomaaliya oo ku wada dagaalamay magaalada Balad Xaawo

Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan DF ku dhex martay Beled-Xaawo

Wararka aan ka heleyno magaalada Belad Xaawo waxay sheegayaan in maanta ay gudaha magaaladaas isku rasaaseeyeen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ay geysay gobolka Gedo.

Dadka ku nool magaalada  Beled Xaawo ayaa soo sheegaya in israsaaseyntu ay dhex martay ciidamo ka kala tirsan Booliska ka howlgala gudaha magaalada iyo kuwa Gorgor.

Waxaa jira khasaare ka dhashay israsaaseynta dhex martay ciidamadaas ka wada tirsan dowladda federaalka, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay.

Dagaalka ayaa hadda joogsaday, waxayna warar hor dhac ah oo laga helayo sheegayaan in uu ka bilaawday dad shacab oo lagu qasbayey inay dibadbaxaan.

Isku dhacaan labada ciidan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha Jubbaland uu Muqdisho ka wado dadaallo uu ku doonayo in ciidamadaas dib looga soo saaro gobolka Gedo, isla markaana dib loogu soo celiyo gacan ku heynta maamulkiisa.