Hirshabeelle oo ka hadashay dilka wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta Hirshabeelle

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa waxaa looga hadlay  dil xalay magaalada Jowhar loogu geystay wasiiru dowlaha diinta iyo Awqaafta Hirshabelle xildhibaan Nuur Xaashi Warsame.

Guddoomiye Cusmaan Barre ayaa u tacsiyadeeyay qoyska iyo ehellada Wasiirka la dilay, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada iyo mas’uuliyinta kale ee HirShabelele inay ka foojignaadaan qataraha uga imaan kara wax loogu yeero argagaxisada.

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo aysan jirin ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumka.

Bishii hore, ayaa sidaan oo kale wasiirkii beeraha Hirshabelle oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani waxa lagu dilay magaalada Jowhar.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email