Hirshabeele oo nidaam cusub ku soo rogtay dadka degan degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe

Maamul gobaleedka Hirshabeele ayaa nidaam iyo amar cusub ku soo rogtay dadka degan degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Nidaamkan cusub ayaa ah in ay dadka shacabka ah ay is diiwaan geliyaan,si loo ogaado dadka guryaha kirada ugu jira iyo mulkiilayaasha.

Maamulka degmada Jowhar ay nidaamkan ku tilmaamay inay u ga gol leeyihiin sii xoojinta ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele.

Ugu dambeeyntii magaalada Jowhar waxaa dhawaanahan ku soo batay dilal qorshaysan, oo lagu beegsaday masuuliyiin xilal ka hayay Hirshabeelle, oo ilaa hada wax laga qaban.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email