Gudoomiye kuxigeenka koobaad iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo kulmay

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan ayaa labada mas’uul waxaa ay uga hadleen sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda si looga gudbo khilaafka hareeyay doorashada xilligaan kala-guurka ah.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye kuxigeenka iyo guud ahaan Golaha Shacabka waxaa uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya oo weli go’aan rasmi ah laga gaarin.

Axmed Madoobe oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Muqdisho ayaa aad u yareyd dhaq dhaqaaqyadiisa siyaasadeed, hayeeshee waxaa uu u muuqdaa in uu haatan bilaabay kulamadiisa siyaasadeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email