Guddoomiye Cumar Filish oo si adag uga hadlay qarixii Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qarixii ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay argagixisadu galabta ka geesteen Maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen argagixisadu”.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Shacabka gobolka Banaadir isagoo yiri, “waa inaan dhamaanteena dowlad iyo shacab u midowna la dagaalanka iyo Cirib-Tirka argagixisada oo had iyo jeer falal gurcan la beegsada dadkeena qiimaha badan”.

Qarixii shalay Galab ka dhacay Maqaayada Blue Sky oo ku dhow Taalada Xaawa Taako ayaa waxaa ku geeriyooday dad isugu jiray askar iyo Shacab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email