Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay dib u habeynta Xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo waaxda Dad dhigista ee Shangaani

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay dib u dayactirka xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani.

Guddoomiyaha waxaa kala qayb galay dhagax dhiga ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud ayaa ku amaanay guddoomiyaha gobolka in maamulkiisu uu ka shaqeeyay sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay dib u dayactirka xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista waxa uuna sheegay in muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email