Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir aan caadi aheyn yeelanayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Golaha Wasiirada ee xilka siihaya ayaa maanta oo Isniin ah la isugu yeeray shir aan caadi aheyn, kaddib farriin qoraaleed loo diray xalay iyo saaka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inuu dhici doono 2-da duhurnimo, waxaana si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadli doono.

Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa inay dhici karto in Golaha Wasiirada go’aano soo saaraan ama madaxweynaha uu hor-tago si uu u shir-guddoomiye ulana hadlo.

Xaalada dalka ayaa ku jira marxalad kala guur ah oo dalku u socdo doorasho, waxaana illaa iyo hadda la soo magacaabin Xukuumad rasmi ah, kaddib markii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday, si aan sharci aheyn.

Muddo bil iyo 10 cisho ka badan dalku ma lahan Ra’iisul Wasaare, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa markii uu aqbalay xil ka qaadistii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaarihii hore waxaa uu u Sii Haye u magacaabay Mahdi Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Halkaan kala soco wixii ku soo kordho Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email