Golaha shacabka Soomaaliya oo ansaxiyay heshiiska doorashooyinka dalka

Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansaxiyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha dowlda fedraalka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Heshiiska ayaa waxaa ogolaatay 252 xildhibaan, waxaa diiday 2,halka uu ka aamusay 1 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansaxinta sharcigaan oo uu sheegay inuu muhiim uyahay doorasho ka dhacdo dalka.

Kulanka ayaa waxaa wadajir u shir guddoominayay guddoomiyeyaasha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadooda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email