Giriiga oo hub casiri soo iibsanaya iyo xiisad kala dhexeeyso Turkiga oo xoogeysatay

Xukumadda Giriiga ayaa ku dhawaaqday in ay hub dheeraad ah soo iibsanayso xilli xiisadda kala dhaxeeysa Turkiga ay cirka isku sii shareerayso.

Hubka ay soo iibsanayaan waxaa ka mid ah 18 ah diyaaradaha dagaalka Faransiisku uu sameeyo ee nooca yaqaano Rafale.

Rai’sul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in sidoo kale ay soo iibsanayaan 4 Markab oo kuwa dagalka iyo 4 diyaaradood oo ah nooca Helkoptarada ee ay adeegsadaan ciidamada badda.

Rai’sul wasaraha Giriiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay kordhin doono tirada ciidamada dalkaasi.

“Waxaa la joogaa xilligii la xoojin lahaa cidamada qalabka sida,” waxaa sidaasi sheegay madaxwaynaha Giriiga Mr Mitsotakis.

Giriiga ayaa sidoo klae qorshaynaya in uu soo iibsado hubka lidka taagiyada iyo gantaalada difaaca cirka.

Xiisadda u dhaxeeysa Turkiga iyo Gariigga ayaa cirka isku sii shareereysay taasi oo ku saabsan Turkiga oo sahmin shidaal ka wada bariga badda Mediterranean ka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email