Garmalka oo qorsheenaya in uu qaxooti fara badan kala wareego Gariiga is uu daganaasho u siinayo

Dalka Garmalka ayaa qorsheenaya ku dhawaad 1,500 qaxooti in uu kala wareego Gariiga is uu daganaasho u siinayo

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo wasiirka arimaha gudaha Horst Seehofer ayaa isku raacay talaabadan waxaana xooga la saari doona dadka qaxootiga ah ee caruurta wata.

Jarmalka waxaa uu horay go’aamiyay in uu qaato 150 caruur aan cidna la socon kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha midowga Yurub ee lagu taageerayo ilmaha aanay cidna wehelin ee qaxootiga ku ah Gariiga.

Cadaadiska Yurub lagu saarayo in ay aqbasho qaxootiga ayaa yimid kadib markii dab qabsaday xero qaxooti oo lagu magacaabo Moria waxaana ku guro beelay oo iminka dibadda ka jiifa 12,000 oo qof .

Arintan ayaa ku soo aadeysa xil cadaadis badan saaranyahay Yurub si ay u aqbasho qaxootiga, waxaana dhawaan dab qabsaday xerada qaxootiga ugu weyn Griiga ee Moria oo dhalisay inay guryo beelaan in ka badan 12,000 oo qof.