Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka South Africa

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Qasaali Axmed Shuuriye ayaa kooxaaha burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen goobtiisa ganacsi oo ku taalla deegaanka Butterworth oo hoos yimaada magaalada East London.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen Kooxda dilka geysatay.

Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email