Galmudug oo ka hadashay dagaalka ka dhacay gobolka Galgaduud

Wasaaradda dowlad Goboleedka galmudug ayaa hadashay dagaal ciidamada dowladda iyo Al shabaab ku dhex maray degaano ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

War ay soo saartay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira qeybta 21 aad, nabadsigidda Galmudug iyo ciidamada AMISOM ee Djibouti ay goobtii 3 aad ka qabsaday Al shabaab deegaanno ay ku sugnaayeen bilihii la soo dhaafay ee kala ah Miirduugle, Bulacle iyo Ceel Cali Mire.

Dhanka kale saraakiisha dowlada ayaa sheegay in Al shabaab ay isaga baxeen degaanada lagu dagaalamay, iyaga oo sheegay inay ka qabsadeen agab kala duwan oo uu hub ku jiro.

Ugu dambeyntii wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay in weli howlgallada ay sii socdaan, ciidamada kala duwan ay sugayaan amniga degaannada lagu dagaalamay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email