
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehlinayeen Madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden, IGAD, iyo Midowga Afrika.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021,
sidii loo dhammeystiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb 3 si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.