Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta ra’iisul wasaaraha

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada golaha shacabka ansixita ra’iisul wasaaraha cusub ee dowlada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu soo xushay 17 kii bishan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay astaamaha uu ku soo xushay ra’iisul wasaaraha cusub, isagoona kula dardaarmay inu soo dhiso xukuumad tayo leh oo marxalda kala guurka dalka ka saarto.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga fila sida ugu dhaqsiyaha badan inuu ku soo dhisi doono xukuumad rumaysa yoolka la hiigsanaayo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email