Faahfaahin: Alshabaab oo weerarro iyo qaraxyo ka geystay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Kooxda Alshabaab ayaa weerarro iyo qaraxyo ka geystay gobolka Gedo, iyadoo bartilmaameedkoodu uu ahaaciidamada Kenya ee gobolkaas ku sugan.

labo qarax oo waawayn ayay ku weerareen kolonyada ciidamo Kenyaan ah oo ka soo ambabaxay saldhigga ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, khasaare kala duwan oo dhimasho, dhawac iyo burbur loo gaystay gaadiidka ciidamada ayaa ka dhashaysida ay Al-Shabaab ku sheegen bar internet oo iyaga taabacsan, balse dhanka dowladda weli wax war ah lagama haayo.

Weerarkaan waxaa ka horreeyay dhowr weerar oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab la beegsadeen saldhigyada ciidamada Burundi iyo Midowgay Africa oo ku yaalla Cadalle iyo Balcad.

Si guud, weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan ay Al-Shabaab geysteen, laakiin waxaa xusid mudan in ay mar kasta bartilmaameedsada saldhiyada ciidamada ajbaniga ee ku yaalla koofurta iyo bartama Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email