Dowladda Talyaaniga oo taageero hormarineed u ballan qaaday Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobolleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiirka kuxigeenka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa la wadaagay safiir kuxigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda dowladd dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

labada mas’uul waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada Talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee safaaradda isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email