Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay qaraxa Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay qaraxa Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax ruux uu shalay galab qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ka fuliyay maqaayad ku taala magaalada Muqdisho halkaas oo dad shacab ah iyo askar khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka soo gaaray.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.