Dowladda Kenya oo xayiraad saartay hantida dad ay ku sheegtay in ay maalgeliyaan Alshabaab

Kenya ayaa xayiraad saartay hantida sagaal nin oo ay ku eedeysay inay maalgeliyaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay soo cusbooneysiisay ee lagula dagaallamayo “argagixisada”.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda, ayaa Wasiirka Amniga Fred Matiang’i wuxuu ku sheegay in xayiraadda hantida sagaalkan qof oo Kenya u dhashay looga gol leeyahay inaysan mar dambe dhaqaale siin Al-Shabaab “gudaha xudduudaheenna” .

Wuxuu sidoo kale ka digay in kooxda ay shaqaaleysiinayeen, xagjirnimo u tababarayeen ayna abaabulayeen dhalinyaro gudaha ah “si ay u horumariyaan hadafkooda xagjirnimo iyo argagixisanimo”.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu hoggaamiyeyaasha caalamka us heegay in xanuunka Covid-19 uu sare u qaaday halista falalka argagixisada, uu ka sii daray xasaradda qaxootiga uuna horseeday in hubka fudud lagu dhex baahiyo gudaha Geeska Afrika.

Kenya ayaa dhowr weerar kala kulantay Al-Shabab tan iyo intii ay ciidamadeeda geysay Soomaaliya sanadkii 2011 si loola dagaallamo kooxda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayay kulanka Aqaba Process ee Covid-19 kaas oo uu soo abaabulay Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Jordan, waxaa shrikaasi sidoo kale ka qeyb galay Ra`iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte iyo Xoghayaha Guud ee Qm António Guterres.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email