
Ciidamada Xoogga dalka ayaa la soo werinayaa in ay dib ula wareegeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay saakay weerar ay ku qaadeen degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan Milatariga oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad, islamarkaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin in ay Al-shabaab ka saaraan goobaha ay kaga suganyihiin gobolka shabeelada dhexe.
Dhanka kale Af-hayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka shabellada dhexe, isagoona sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
“Xaaladda magaalada Balcad ayaa hadda deggen, kadib weerar ay saakay waaberigii ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Al Shabaab, Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah”.