Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo sida la sheegay laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

In kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin sababta ciidamadaas loo geeyay Hobyo, hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka magaaladaas ay mudo dheer qaati ka taagnaayeen kooxaha daroogada ka ganacsada iyo kuwa iibiya.

Sidoo kale xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo dadka deegaan ayaa ka taagan deegaanada hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email