Dowladda Canada oo shaacisay in Markii ugu horreysay Kiisaska dhimashada Covid 19 laga waayay

Kanada ayaa  shaacisay in markii ugu horreysay dalkeeda laga waayay  dhimashada COVID-19 ayna noqotay baaritaanadii 24 kii saac ee la soo dhaafay (0) markii ugu horreysay tan iyo 15 kii Maarso, sida laga soo xigtay xogta wakaaladda caafimaadka bulshada.

Tirada dhimashada Kanada ee corona virus  waxay istaagtay 9,163 laga bilaabo Sebtember 11, oo la mid ah tirada dhimashada ee la soo sheegey Sept. 10, xogta dawlada ayaa muujisay.

Dowladda Waxa ay sheegtay in guulo waa weyn ay gaartay xakameynta cudurka corona virus labadii bilood ee ugu dambeysay.

Iyada oo gobollada badankood ay fududeynayaan xayiraadaha xiritaanka iyo sida ay iskuuladu dib ugu furmayaan fasalada qaarkood

Masuuliyiinta ayaa heegan buuxa  galiyay adeegyada Caafimaadka si ay uga fogaadaan in mar kale uu dillaaco, gobolada ay ka mid tahay British Columbia waxay soo rogeen xakameyn cusub si looga hortago faafida viruska.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email