Ciidamada xooga Soomaaliya oo howlgallo culus ka fuliyey Shabeellaha Hoose

Ciidanka Malatariga Soomaaliya oo gaaray deegaanka Baladul Amiin. -  Mustaqbal Radio

Ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka bariire ee gobolka shabellada hoose, waxaana ay shaaciyeen in ay ku soo qabteen qaraxyo ay al Shabaab ku diyaariyeen duleedka bariire.

Taliyaha guutada 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Xasan Siyaad ayaa xusay in howlgalka ay ku soo qabteen qaraxyo, sidoo kale ay soo saareen qaraxyo ay al Shabaab ku aaseen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka shabeellada hoose.  

Sido kale, taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ay Ciidamada ku dileen xubno ka tirsan Al shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in ay gaarayaan 13 xubnood.

Ciidamada dowlada dhexe ayaa dhawaan howlgalo ka sameeynaayay deegaano ku yaal gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoona ku tilmaamay in ay kaga gol leeyihiin xoojinta amaanka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email