Dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Puntland oo kulan yeeshay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo loogu sameeyay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email