Deni oo sheegay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda dhexe

Deni oo sheegay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda dhexe

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Lacagta loo yaqaan Budget-support, oo Baniga Adduunku siiyay Soomaaliya, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xannibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan Wax ka qabadka.