Degdeg: Qarax xoogan oo ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismayao ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax weyn uu ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaas oo laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Ruux isku soo xiray jaakad ay qarax ku xiran yihiin uu isku qarxiyay iridda hore ee masjid ku yaalo Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawaca, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhimatay illaa  2 qof halka dhaawaca uu gaarayo ku dhawaad 20 qof.

Masjidka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku dukanayey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, wuxuuna qaraxa dhacay markii Salaada laga soo baxay kadib.

Warar laga helayo ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin kaasoo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac aad halis u ah.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha iyo sidoo kale dad shacab ah oo kasoo baxay salaaddii Jimcaha.

Wixii kusoo kordha kala soco Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email