DANAB oo ka warbixiyay howlgal ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose

Taliska Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa ka warbixiyay howlgal ciidamada ka sameeyeen degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay dileen   sarkaal katirsan Al Shabaab, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).

Sidoo kale saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada, iyadoona taliska kumaandooska soomaaliya ay shaaca ka qaaday in afar dagaalame ay ku dileen howlgalka.

Saraakiisha Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa ujeedka howlgalkooda ku sifeeyay mid ay uga hortagayaan weerarada iyo qaraxyada Al Shabaab ee ka dhanka ah Xarumaha Ciidamada iyo kuwa maamulka.