
Taliska ciidamada dowlad goboleedka Jubbland iyo kuwa ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa dadka shacabka iyo gadiidleyda uga digay in ay adeegsadaan wadooyinka gala deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ciidamada Danab qeybtooda Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka isticmaala wadada isku xirta deegaanka Jannaay Cabdalle iyo Kismaayo ay ka digtoonaadan halista wadadaas.
Qoraalka Danab waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay miinooyin geliyeen wadadaas.
Digniintaan ayaa timid iyadoo wadadaas ay horay uga dhaceen qarax ay ku aaseen Al-Shabaab, kuwaas oo inta ugu badan ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.
Xaaladda deegaanka Jannaay-Cabdalle ayaa haatan degan, waxaana socda howlgallo lagu baacsanayo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la tuhunsanyahay inay qaraxyo geliyeen wadada xariirisa deegaankaas iyo magaalada Kismaayo uu jirta 60-KM.