Dagaalka geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay degaanka tukaraq ee Gobolka Sool

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka tukaraq ee Gobolka Sool,waxaana uu dhex maray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa la magac baxay Dib u xoraynta SSC.

Dagaalka ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in uu yimid, kadib markii Ciidamada Jabhadda la baxday Dib u xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin halka lagu magacaabo Xagarrey oo ka tirsan degaanka Tukaraq.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, hayeeshee dadka degaanka qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen in wlei si rasmi ah u helin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa dhowr jeer oo hore weeraro gaadmo ah waxaa ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Soomaaliladn,waxaana weerarka ka dhacay degaanka Tukaraq weli ka hadlin Soomaaliland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email