Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Itoobiya

12 qof ayaa ku dhimatay 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay koonfoorta dalka Itoobiya.

Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalka uu u dhaxeeyo qowmiyadaha Konso iyo Ale oo halkaasi wada daga.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xiriira dhul deegaan ah oo qowmiyaduhu isku hayaan.

Colaadaha la xiriira dhulka iyo xoolaha ayaa badanaa ka dhaca dalka itoobiya.