Dagaal culus oo saakay ku dhexmaray ciidamda dowlada iyo Al sahaab Duleedka Dhuusamareeb

Ciidamada dowlada fedraalka Soomaaliya iyo ururka Al shabaab ayaa saakay dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Miirdugul ee koofurta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo in uu ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan weli la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan milatariga soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan ciidamada xoogga.

Saraakiisha ayaa inta ku daray in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka Al ahabaab ee looga saarayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ugu dambeeyntii wararka laga helaayo deegaanka Miirdugul ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al shabaab ee dagaalka dhexmaray.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email