Dadka ku barakacay duleedka Baladweyne oo loo gaarsiiyay adeeg biyo dhaamin ah

Dadka ku barakacay duleedka Baladweyne oo loo sameeyay adeeg biyo dhaamin  ah – Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed

Wasarada tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda federaalka  iyo wasaaradda tamarta Hirshabelle ayaa bilaabay biyo dhaamin loo  sameeynaayo ilaa 4 kun oo qoys oo ku barakacay duleedka Magaalada Beledweyne.

dadkaan oo ay saameeyeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Isku duwaha Wasaarada Tamarta iyo Biyaha ee Hirshabeelle Cawil Maxamed Jibriil,ayaa sheegay in howsha biyo dhaaminta ay socon doonto muddo bil a.

Qaar kamid ah dadkii ka faa iday ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay ku farax san yihiin dadaalkaasi

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email