Dad loo qabtay dil ka dhacay magaalada Beledweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan oo dad lagu qab qabtay ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga fuliyeen xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako, waxaana la sheegay in howlgalka uu salka ku haayo kadib markii xaafada Xaawa Taako lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Hees, Cabdullaahi Biligbilig.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay guryaha qaar ee xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako, iyada oo howlgalkaas lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu xiray saldhiga booliska Beledweyne.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada howlgalka waday ay dad u qabteen dilka loo geystay guddoomiyahii deegaanka Hees , sidoo kalena ay ku raad joogaan mid kamid ah raggii dilka geystay oo ciidamada ay dhaawaceen.

Wararka laga helayo Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in weli meelaha qaar ay ciidamada howlgallada ka wadaan, iyada oo loo diidayo inay tagaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email