Dad laga soo badbaadiyay diyaarad ku burburtay graroonka diyaaradaha Aadan Cadde

Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo ah nooca xamuulka qaada ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka soo laabatay magaalada Baladweyne ayaa cilad farsamo qabsatay. Waxaana saarnaa afar qof.

Ku simaha wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulimaadka hawada dowladda dhexe Maxamed Cabdullaahi Salaad oo ka hadlay ayaa sheegay in diyaaradan cillad ku timid kaddib ay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho burburna uu kasoo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah.

Sidokale wasiirka ayaa sheegay in diyaarada ay saarnaayeen afar qof oo shaqaalaha diyaarada ah. Waxayna iskugu jireen Soomaali iyo ajaanib, waxa uuna sheegay inay soo badbaadiyeen saddex qof oo dhaawac uu soo gaaray. Halka qof ka kale weli la baadigoobaayo.

Wasiirka ayaa inta ku daray hadalkiisa in dadka daawacmay loo qaaday isbitaal si loo la tacaalo xaaladooda caafimaad.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in muddo kooban hakad la geliyay shaqada garoonka inta lagu howlanyahay xalinta burburka diyaarada, dib loo furi doono adeegyada garoonka Aadan Cadde.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email