Dab xoogan oo ka kacay dekadda Beirut bil kadib qaraxii weynaa

Dabweyn ayaa ka kacay dekedda magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, halkaasi oo bil ka hor uu ka dhacay qarax.

Lama oga waxa sababay dabkan, waxaa cirka isku shareeray uuradda iyo qiiqa ka baxaya goobta uu dabku ka kacay.

Ciidanka ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in dabku ka kacay bakhaaro ay saliida iyo taayaro yaaleen kuwaasi oo ku yaalla gudaha dekada.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa ka qeyb qaadanayay dadaalada lagu daminayo dabka.

Dhawaan ayay ahayd markii magaaladaasi uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen 191 ruux, halka 1750 ruux ay ku dhaawacmaeen, waxaana qaraxaasi sababay sun ku keydsaneyd baqaaro ku yaala dekadda magaalada Beyruut.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email