Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay degaanka Bariire ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaano duleedka ka xoga degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarakiil ka tirsan Ururka 143 oo howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war heleen in Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ay lacago ka qaadayeen dadka ku nool tuulooyinka ku dhow Bariire,isla markaana sidaasi ay howlgalka ku qaadeen.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Xubno ka tirsan Al shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daran in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Al Shabaab, sidoo kale Ciidamada ay weli degaannada ku dhow dhow Bariire ka wadaan howlgalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email