Ciidamada xooga dalka oo howlgal ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Hoose, waxaa uuna howlgalka uu ka dhacay tuulada Balow deegaanka Bariire.

Saraakiilsha milartariga Soomaaliya ayaa sheegay in 20 dagaalame iyo labo sarkaal oo ka tirsan Al shabaab ay ku dileen deeganka Bariire ee gobolka shabeellada Hoose.

Taliyaha  ururka 143 ee xoogga dalka Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka uu yimid  kadib markii dadka deegaanka ay la soo wadaageen xogta dagaalameyaasha  iyo saraakiisha Al shabaab ee  la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilay 20 kamid ah Al shabaab iyo Labo sarkaal.

Ugu dambeeyntiina taliyaha ayaa sheegay in labada sarkaal ee la dilay ay Al shabaab u qaabilsanayeen xilalka madaxii howlgalada gobolka iyo maktabka dacawada xizbada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email