Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay duleedka Belad Xaawo

Wararka ka na soo gaaraaya ayaa sheegaya in saakay uu dagaal ku  dhex maray ciidamada dawlada Kenya iyo kuwa Soomaaliya, xadka ay wadaagaan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo iyo magaalada Mandheera.

Dagaalkan ayaa inta la og yahay waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, balse lama oga in ay jiraan khasaare kale oo ka dhashay iska hor imaadkan maanta dhacay.

Wararka ayaa intaa ku sii daraya in ciidamadii Kenya ay iskaga carareen saldigii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay xadka gobolka Gedo iyo Mandheera, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo.

Danka kale xaaladda ayaa hadda lagu soo warramayaa in ay tahay mid deggan, iyadoo ay ku sugan yihiin goobta ciidamada dawlada Soomaaliya. Ugu dambeeyntii lama oga sababta ka dambeysa ilaa iyo hadda dagaalkan dhex maray ciidamada dawlada Soomaaliya e ku sugan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyo ciidamadan dawladda Kenya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email