Ciidamada Jubbaland oo holgalo ay ku soo qabteen qaraxyo ka sameeyay gobalka Jubada Hoose

Ciidamada Jubbaland ayaa shaaciyay in hawlgalo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose, iyagoona sheegay inay soo saareen miinooyin ay Al shabaab dulka ku aaseen.

Ciidamada ayaa sheegay in miinooyinkan la geliyay wadada xiriirisa Goobweyn iyo Yoontooy oo ka wada tirsan Jubbada Hoose.

Dhanka kale ciidamada ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab , miinooyinkana aasay.

Inkasta oo aysan warbaahinta la wadaagin tirada iyo magacyada shaqsiyaadka ay soo qabteen, ayaa waxa ay sheegeen in ay ku wadaan baaritaano.

Ugu dambeeyntiina ciidamada Jubbalad ayaa dhawaanahaan howlgalo ka waday gobalka Jubada hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email