Ciidamada dowladda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay inay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha ururka Alshabaab, kuwaas oo ku yaalla duleedka degmada Beled Xaawo.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada dowaldda ay weerar ku qaadeen degaanka Qaniyaale oo 30km u jira degmada Beled Xaawo, isla markaana ay kala wareegeen Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Soomaaliya Cisman Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in weerarkasi ay Ciidamada ku dileen laba Xubnood, sidoo kale ay dib uga soo celiyeen 300 oo Neef oo Ari ah, kuwaas oo uu sheegay inay dadka Shacabka ah Al-Shabaab markii hore si awood ah uga qaateen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab, isla markaana ay ka saaraan degaannada gobolka Gedo oo ay mararka qaar weerarada ka fuliyaan.

Ciidamada dowladda ee weerarka ku qaaday degaanka Qaniyaale ee duleedka Beled Xaawo ayaa degaankaas, isaga soo laabtay, waxaana la sheegay in Xubnihii ka tirsanaa Al Shabaab ay dib ula wareegeen degaankaas,isa markaana xaalada ay tahay mid degan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email