Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Dhagaxleey ee Gobolka Mudug oo Qiyaastii 19 KM ujira deegaanka Camaara.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku doonayeen inay Al-Shabaab uga saaraan degaannada Gobolka Mudug ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Dhagaxleey ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka degaankaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email