Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay heshiiskii madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul gobaleedyada

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlayay warbaahinta ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul gobaleedyada iyo arimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku sheegay heshiiska doorasho ee dhowaan ay wada geleen, madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada inuu ahaa mid ka bad baadiyay Soomaaliya dhibaato kusoo socotay.

Isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inaysan Muqdisho ka tagin, inta uu golaha shacabka ka meel marinayo heshiiskaasi.

Dhan kalane waxa uu u soo jeediyay guddoonka golaha shacabka in ay kaalintooda kaga aadan ka qaataan, meel marinta heshiisyadii lagu gaadhay shirkii Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku eedeeyay hay’adaha ammaanka dalka, in ay ku dhex milmeen siyaasadda dalka, isagoo tilmaamay in ay u istaagaan sugidda amniga dalka gaar ahaan u diyaar garowga doorashada.

Sidokale waxa uu sheegay in boob lagu bilaabay, kuraasta Labada Aqal ku yeelanayaan Soomaaliland, taas oo uu sheegay in laga waantoobo.

Ugu dambeyn waxa uu soo jeediyay in loo cadaalad falo musharaxiinta isku soo sharaxi doonta doorashooyinka soo socda , isagoona ka digay in la musuq maasuqo.